Ministry of labour and social affairs

WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay shir heer caalami ah oo loga hadlayay kobcinta dakhliga gudaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay shir heer sare ah oo lagaga hadlayay gaaritaanka heshiis bulsho oo ku dhisan kobcinta dakhliga gudaha. Khudbaddiisa, Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay dadaallada ay dowladdu ku yarayneyso faqriga, isagoo xusay barnaamijyo ballaaran sida Mashruuca Baxnaano, oo loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada Soomaaliyeed ee ugu nugul. Shirkan waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madax ka socota Wasaaradda Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed, iyo xubno kale oo ka socda saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

30 ÷ = 5

Scroll to Top