Ministry of labour and social affairs

WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Adan, ayaa tababar usoo xiray 70 arday oo ku waxbaratay Machadka Qaranka ee Horumarinta Xirfadaha Farsamada Gacanta ee (Xero Jarmal).

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Adan, ayaa tababar usoo xiray 70 arday oo ku takhasustay waxbarashada farsamada gacanta oo uu bixiyay Machadka Qaranka ee Horumarinta Xirfadaha Farsamada Gacanta (Xero Jarmal). Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiir-dowlaha, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda. Wasiirka ayaa ku sheegay khudbadiisa in xarunta lagu ballaarin doono adeegyada iyo in khuburo aqoon u leh horumarinta farsamada gacanta la shaqaaleysiin doono. Waxa uu xusay muhiimadda waxbarashada farsamada gacanta (Vocational training) ee horumarka bulsho iyo dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in arrintan ay mudnaan weyn u leedahay Barnaamijka Xukuumadda Dan Qaran. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-soo nooleynta waxbarashada farsamada gacanta, iyadoo xoogga saareysa horumarinta Xaruntan iyo adeegyada la xiriira.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 4 = 2

Scroll to Top