Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa shalay ka qaybgalay munaasabada xuska maalinta caalamiga ah ee taya-dhowrka oo ay soo qabanqaabisay Shirkada Hope Labs Group.
Munaasabadan oo ah tii ugu horaysay ee abid laga xuso Soomaaliya oo loogu magac daray ‘Xuska Bisha Taya-Dhowrka Soomaaliya’ ayaa waxaa kaso qayb galay shirkado kala duwan oo kamid ah bahda waxsoosaarka dalkeena. Wasiirka ayaa ayaa boggaadiyay shirkada Hope Labs Group isagoo hoosta ka xariiqay in dalalka caalamka ay Soomaaliya dhawaan si rasmi loogu suuq-gayn doono waxsoosaarka dalkeena, kaasi oo leh tayo iyo bedqab caafimaad.
Ugu dambayntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa billad sharaf guddoonsiyay shirkadaha waxsoosaarka dalkeena ee ku guulaysatay ilaalinta tayada, caafimaadka, kalsoonida iyo badqabka bulshadda.