Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Xil,Yusuf Maxamed Adan oo ay wehliyaan Wasiir-dowlaha & Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda ayaa manta xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyey Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, oo ay wehliyeen Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xil Caynanshe Yuusuf Xuseen, iyo Wasiir Ku-xigeenka, Xildhibaan Aamino Xuseen Cali, ayaa maanta si diirran xarunta Wasaaradda ugu soo dhaweeyey Wasiirka Dhalinyarada, Cayaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Jaamac Maxamed Mursal. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa labada dhinac, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo xiriirka wadajirka ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka SSC-Khaatumo, gaar ahaan dhinacyada shaqo-abuurka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhalinyarada. Wasiir Jaamac Maxamed Mursal ayaa uga mahadceliyey madaxda Wasaaradda soo dhoweynta diirran, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo wadashaqeyn joogto ah si loo gaaro ujeeddooyinka horumarineed ee dalka oo dhan. Ugu dambeyntii, Wasiir Yuusuf ayaa xusay in Wasaaradda ay ka go’an tahay xoojinta wadashaqeynta maamulada dalka si loo hirgeliyo qorshayaal qaran oo mideysan, kuna saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

6 × = 18

Scroll to Top