Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Xil. Yusuf Mohamed Adan ayaa xafiiskiisa ku qabilay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xil Caynaashe Yusuf Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, iyo fanaanka caanka ah ee Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac). Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Golaha Dhallinyarada Qaranka, iyadoo si gaar ah loo eegay arrimaha la xiriira shaqo-abuurka dhalinyarada, horumarinta xirfadaha, iyo diyaarinta fursadaha mashruucyada soo socda ee lagu horumarinayo nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 6 = 2

Scroll to Top