Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Booqasho Ku Tagay Jaamacadda Simad.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed ayaa maanta booqasho ku tagay Jaamacadda SIMAD. Waxaa si sharaf leh ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda, Mudane Dr. Cabdikariim Muxiyadiin, iyo masuuliyiin kale oo sare. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo iskaashiga waxtarka leh ee u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo xarumaha waxbarashada sare, si loo dhiso jiil dhalinyaro ah oo xirfad leh, hufan, kana jawaaba baahiyaha suuqa shaqada ee dalka. Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen dardargelinta barnaamijyada iskaashi ee la xiriira tababarrada xirfadeed, aqoon is-weydaarsiyada, horumarinta xirfadaha, iyo abuurista fursado shaqo oo loo dhanyahay. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu diyaarin lahaa mustaqbal shaqo oo waara, iyadoo la adeegsanayo awoodda waxbarasho iyo teknoolojiyad casri ah. Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda in ay la shaqeyso jaamacadaha dalka, si loo abuuro nidaam shaqo oo loo siman yahay, lana dardargeliyo qorsheyaasha horumarineed ee dhalinyarada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

83 + = 88

Scroll to Top