Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qaybgalaya Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Caalamiga ah, kaasoo socon doona inta u dhaxaysa 2-da ilaa 14-ka Juun 2025.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization – ILO), ayaa waxaa ka soo qaybgalay ergooyin ka kala socda 187 waddan oo xubno ka ah ILO, oo isugu jira matalayaasha saddex-geesoodka ah: Dawladaha, Ururrada Shaqaalaha, iyo Loo Shaqeeyeyaasha. Ajandaha shirka waxaa kamid ah: mabaadi’da aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqada, ilaalinta khataraha deegaanka shaqada, shaqo hufan, iyo daryeelka bulshada.
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah wafdi saddex-geesood ah, kuna metelaya dowladda, ururrada shaqaalaha, iyo loo shaqeeyeyaasha Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulammo gaar ah la yeesho dhiggiisa wasiirada kale ee kasoo qaybgalaya shirka.
Inta lagu guda jiro shirweynaha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa jeedin doona khudbad rasmi ah oo uu ku muujinayo sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta heerarka shaqo ee caalamiga ah, horumarinta xaaladaha shaqo, iyo xoojinta ilaalinta bulshada.





