Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada XFS mudane Xil, Yusuf Maxamed Adan oo Kulan Muhiim ah kula qaatay Geneva inta uu ku sugnaa Dhiggiisa dalka Turkiga.

Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa maanta magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Prof. Dr. Vedat Işıkhan, intii lagu guda jiray shirweynaha shaqaalaha caalamiga ah ee ILO. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta labada wasaaradood ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la dhaqan gelinayo heshiiskii labada wasaaradood ay horey u kala saxiixdeen sanadkii 2016, kaas oo weli aan si buuxda loo hirgelin. Wasiirka Shaqada dalka Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskaas, kaas oo gacan ka geysan doona horumarinta shaqooyinka iyo kor u qaadista tayada iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed, isla markaana ay soo magacaabi doonaan guddi farsamo oo dardar gelin doona shaqooyinka muhiimka ah. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin, isagoo ka hadlay xaaladda shaqo la’aanta dalka ka jirta iyo baahida degdegga ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo. Wasiirku wuxuu ballan qaaday in Soomaaliya ay diyaar u tahay qaadista tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

18 ÷ = 2

Scroll to Top