Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Maxamed Adan ayaa maanta magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga dhawaaqay Qorshaha Qaranka ee Dhaqaalaha aan rasmiga ahayn loogu beddelayo dhaqaale rasmi ah.
Qorshahan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya yeelato, waxaa si wadajir ah u ansixiyay dowladda, ururrada shaqaalaha, iyo ururrada loo shaqeeyo. Ujeedkiisuna waa in la yareeyo shaqooyinka aan sharciyeysnayn lana kordhiyo fursadaha shaqo ee rasmi ah oo sharaf leh.
Wasiir Yuusuf ayaa tilmaamay in qorshahani uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo shaqaalaha Soomaaliyeed, laguna hubinayo in qof kasta helo shaqo sharci ah oo badbaado iyo xaq dhowr leh.
Qorshahan ayaa si gaar ah looga wada shaqeeyay iyadoo gacan ay ka geysatay Iskutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU, ururka shaqaalaha Talyaaniga CGIL, hay’adda Nexus, iyo ururka shaqaalaha Afrika ITUC-Africa, kuwaas oo bixiyay taageero muhiim ah.
