Ministry of labour and social affairs

Wasiir Yusuf Maxamed Adan oo si gaar ah ula kulmay Agaasimaha uruka Shaqaalaha Adduunka ee (ILO) Md. Gilbert F. Houngbo.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay Magaalada Geneva Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), Mudane Gilbert F. Houngbo. Intii uu socday kulanka, Wasiirku waxa uu Agaasimaha Guud uga warbixiyey horumarka ay dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay, gaar ahaan guulaha laga gaarey xagga shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha. Waxa uu si gaar ah u xusay:
  • Daahfurka barnaamijka Shaqo Hufan (Decent Work Country Programme).
  • Saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed (Somali Labor Code).
  • Ansixinta hindisayaasha la xiriira ilaalinta bulshada (social protection).
  • Ansixinta sharciga hawlgabka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
  • Ansixinta Axdiga Caalamiga ah ee ILO ee tirsigiisu yahay 138, kaas oo dhigaya da’da ugu yar ee la oggol yahay in la shaqeeyo.
  • Ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada (National Occupational Safety and Health Policy), Iyo guulo kale oo dhanka siyaasadaha shaqada iyo horumarinta nidaamka shaqo ee dalka ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Agaasimaha Guud ee ILO soo dhoweynta diirran ee uu u sameeyey wafdiga saddex-geesoodka ah ee ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ururrada Shaqaalaha, iyo Loo Shaqeeyayaasha. Waxa uu sidoo kale muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah si loo horumariyo xuquuqda shaqaalaha, loona helo fursado shaqo oo waarta.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

92 ÷ = 92

Scroll to Top