Ministry of labour and social affairs

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil, Aamino Xuseen cali ayaa maanta magaalada muqdisho ku daahfurtay xuska ka hortaga shaqaaleysiinta caruuta oo sannad walba la xuso 12-ka Juun.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta si rasmi ah u xustay Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Shaqaaleysiinta Carruurta, oo sannad walba la xuso 12-ka Juun. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Aamino Xuseen ayaa daahfurtay munaasabadda, iyadoo hoosta ka xarriiqday sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay ciribtirka shaqaaleysiinta carruurta iyo xoojinta fursadaha waxbarasho ee carruurta Soomaaliyeed. Xuska sanadkan ayaa si gaar ah diiradda u saaray baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha dowladda, ururrada bulshada, iyo hay’adaha caalamiga ah si loo helo xal waara oo lagu ilaaliyo carruurta Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

39 − = 30

Scroll to Top