Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa kulan la qaatay howlwadeenada Mashruuca Xirfadaha, Shaqo Abuurka Dhalinyarada ee SEIP.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa maantay Warbixin ka dhageystay Howlwadeenada Mashruuca Xirfadaha, Shaqo Abuurka iyo Kordhinta wax soo saarka Dhalinyarada ee SEIP.

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud Mudane Yusuf Xasan, ayaa maareeyaha Mashruuca Mr. Maxamed Xasan Xaanbe wasiirka uga warbixiyay howlaha mashruuca iyo qorsheyaasha Mashruucu leeyahay si loo dardargeliyo hirgelinta qorshehowleedyada.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Howlwadeenada Mashruuca howlaha wanaagsan ee ay qabteen isagoo kula dardaarmay in ay si hufan uga shaqeeyaan howlaha socda ee Mashruuca si loo gaaro yoolasha Mashruuca.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

71 − = 63

Scroll to Top