Ministry of labour and social affairs

Wasiir Prof Saalim Caliyow Ibrow ayaa Safiirka dawladda turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ku soo dhaweeyay Xuranta Wasaaradda MoLSA.

Safiirka dawladda turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa booqasho ugu yimid Wasiirka wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Prof Saalim Caliyow Ibrow kulanka ayaa waxaa u ka dhacay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaana ka soo qaybgalay ku simaha agaasimaha guud iyo qaar ka mid ah la taliyayaasha wasiirka.

Kulan ayaa loga hadlay laba ujeedo oo kala ahaa soo dhaweyn,isbarasho iyo sii wadida hishiisyo waxqabad oo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada wasaaradaha dhigeeda ah ee jamhuuriyada turkiga.

Safiirka dawladda turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta isla markaasna uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu sii wado xiriirkii kala dhexeyey wasaaradda shaqada iyo kuwa dhigeeda ah iyo hay’adaha kale ee turkiga.

Wasiirka wasaradda shaqada iyo arimaha bulshada Prof Saalim Caliyow Ibrow ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashadiisa uu ugu yimid waxaana uuna u soo bandhigay in safiirku sii wado xiriirkii wax wadaqabsiga ee kala dhaxeeyay dhigooda dalka Turkiga, isla markaasna uu safiirku gacan ka geysto sidii shaqaalaha Soomaaliyeed u heli lahaayeen tababaro kor loogu qaadaayo aqoontooda iyo xirfadah farsmada maadaama uu Turkigu u yahay saaxiib weyn oo ay leeyiin shaqacabka Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kusimaha agaasimaha guud mudane Salahudin Gutale iyo qaar ka mid ah la taliyayaasha wasiirka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 2 = 4

Scroll to Top