Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibrow, ayaa maanta ka qeyb galay kulan istiraatiiji ah iyo wacyigelin ku saabsan maareynta socdaalka shaqaalaha (Labour Migration Governance),

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibrow, ayaa maanta ka qeyb galay kulan istiraatiiji ah iyo wacyigelin ku saabsan maareynta socdaalka shaqaalaha (Labour Migration Governance), kaas oo uu soo qabanqaabiyay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), iyadoo taageero laga helayo Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO) iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Boqortooyada Midowday (FCDO UK).   Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Boqortooyada Midowday (UK in Somalia) ee Soomaaliya, Mudane Charles King, iyo wakiillo ka socday ururrada shaqaalaha ee dalka, kuwaas oo ka kala socday ururrada xubnaha ka ah FESTU.   Intii uu kulanka ka hadlayay, Wasiir Prof. Salim Alio Ibrow ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee ururrada shaqaalaha (Trade Unions) ay ka ciyaaraan horumarinta cadaaladda bulshada iyo xaqiijinta shaqo sharaf leh (Decent Work) ee Soomaaliya. Wasiirku wuxuu xusay in wada shaqeynta dowladda, ururrada shaqaalaha, loo shaqeeyayaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ay muhiim u tahay xoojinta nidaamyada ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo maareynta socdaalka shaqaalaha si waafaqsan shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah.   Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa dhinacyada kala duwan, si loo horumariyo siyaasadaha iyo nidaamyada la xiriira socdaalka shaqaalaha, loona hubiyo in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan fursado shaqo oo ammaan ah oo sharaf leh.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 58 = 66
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top