Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (MoLSA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan hirgelinta iyo isku-dubaridka Barnaamijka Badbaadada Waxsoosaarka Soomaaliya (PSNP) iyo xoojinta nidaamka ilaalinta bulshada. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ka dhacay Afrik Hotel & Restaurant, waxaana ka soo qeyb galay wakiillo ka socday wasaaradaha wax-soosaarka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adda SoDMA, iyo bah-wadaagta kale ee ku lugta leh hirgelinta barnaamijka.
Kulanka ayaa waxaa furay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Suheyb Dek Mohamoud, oo soo dhoweeyay ka qeyb-galayaasha islamarkaana uga mahadceliyay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta barnaamijyada ilaalinta bulshada iyo taageeridda bulshada nugul.
Intii uu socday aqoon-is-weydaarsiga, waxaa si qoto dheer looga dooday sida loo xoojin karo isku-dubaridka hay’adaha ku shaqada leh barnaamijka PSNP, dardargelinta howlaha barnaamijka, iyo sidii loo hubin lahaa in shirarka iyo wada-shaqeynta la xiriirta barnaamijku ay noqdaan kuwo joogto ah oo wax ku ool ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta doorka Task Force-ka mashruuca, dhameystirka Terms of Reference (ToR) ee hagaya howlaha kooxda, iyo qorsheynta kulamo joogto ah oo ay yeeshaan xubnaha Task Force-ka iyo hay’adaha bah-wadaagta si loo dardargeliyo hirgelinta barnaamijka.
Ugu dambeyn, aqoon-is-weydaarsiga ayaa lagu adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta caalamiga ah, si loo xoojiyo nidaamka ilaalinta bulshada loona hubiyo hirgelinta wax ku oolka ah ee Barnaamijka Badbaadada Waxsoosaarka Soomaaliya (PSNP).