Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.   Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda SoDMA, gaar ahaan arrimaha la xiriira ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo, taageerada bulshada nugul, iyo sidii loo kordhin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda ee la tacaalaya saameynta musiibooyinka.   Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku dubbaridka dadaallada dowladda si loo xoojiyo ilaalinta bulshada iyo taageerada dadka ay saameeyaan xaaladaha degdegga ah. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

8 ÷ 1 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top