Ministry of labour and social affairs

Waxaa maanta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kormeer shaqo ugu yimid xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxaa maanta kormeer shaqo ku yimid xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Cabdirisaaq Ibraahim.

Intii uu socday kormeerka, wafdiga ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mohamed Saney Dalmar, Agaasime Waaxeedyada iyo shaqaalaha farsamo, halkaas oo lagu soo bandhigay horumarka shaqooyinka iyo qorshayaasha socda.

Waxaa sidoo kale diiradda la saaray horumarinta awoodda shaqaalaha iyo tayeynta xirfadaha.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta isla xisaabtanka, kor u qaadidda hufnaanta, iyo dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

18 − 14 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top