Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Wasaaradda wafdi ka socday Hay’adda SOS oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Hay’adda, Mudane Cabdulqaadir Dakane.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Lataliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac, iyadoo si xirfadeysan looga wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta barnaamijyada muhiimka u ah bulshada.
Doodaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada bulshada nugul, horumarinta xirfadaha dhalinyarada, iyo abuurista fursado shaqo oo waara, si loo xoojiyo nidaamyada ilaalinta bulshada ee dalka.
Wasiirka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn wax ku ool ah oo u dhexeysa Wasaaradda iyo Hay’adda SOS, halka Agaasimaha Hay’adda uu caddeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku aaddan dardargelinta mashaariicda wadajirka ah iyo xoojinta wada shaqeynta mustaqbalka.