Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa daah furay kulan aqoon is waydarsi ah oo diirada lagu saaraayo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada iyo Xeerarka Shirkadaha Shaqo-siinta.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsi qaran oo diiradda lagu saarayo kor u qaadidda wacyigelinta ku aaddan Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada iyo Xeer Nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta ee Gaarka loo leeyahay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

 

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa taageeraya International Labour Organization (Hay’adda Shaqada Adduunka) iyo Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta fahamka, wada shaqeynta, iyo doorka daneeyayaasha muhiimka ah ee hirgelinta siyaasaddan iyo xeerkan.

 

Kulankan waxaa ka qayb galay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed (SCCI), kuwaas oo matalaya shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha. Labada dhinac ayaa door muuqda ka qaatay diyaarinta siyaasadda iyo xeerarka la xiriira socdaalka shaqaalaha. Xoghayaha Guud ee FESTU, Mudane Omar Faruk Osman, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya dhammaan daneeyayaasha.

 

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadashay masuul ka socotay International Labour Organization oo ku hadlaysay magaca Agaasimaha Xafiiska ILO ee Geeska Afrika, Khumbula Ndaba, taas oo muujisay taageerada joogtada ah ee ay hay’addu siiso Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta nidaamyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

 

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in la gaaray waqtigii si dhab ah loo hirgelin lahaa Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada iyo Xeerka Shirkadaha Shaqo-siinta, kuwaas oo la jaanqaadaya heerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee shaqada. Wuxuu xusay in hirgelinta siyaasaddan ay muhiim u tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda u shaqo taga, isla markaana si hufan loo maareeyo shaqaalaha ajnabiga ah ee dalka soo gala, si loo helo nidaam shaqo oo cadaalad ah, ammaan ah, isla markaana waara.

 

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu ku baaqay in dhammaan daneeyayaasha ay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta siyaasaddan iyo xeerkan, si loo xaqiijiyo fursado shaqo oo sharciyeysan, ammaan ah, isla markaana faa’iido u leh bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

65 + = 68
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top