Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof Salim Alio Ibro iyo Agaasimaha guud md.Maxamed Saney Dalmar ayaa si wadajir ah uga qeyb galay kulan muhiim ah oo ku saabsan Implementation Support Mission for BOOST YOU (Baxnaano),

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay kulan muhiim ah oo ku saabsan Implementation Support Mission for BOOST YOU (Baxnaano), kaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi, laguna xoojiyay iskaashiga bah-wadaagta iyo dardargelinta hirgelinta barnaamijka Baxnaano. Kulankan ayaa socon doona muddo hal toddobaad ah, si si dhow loogu dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee barnaamijka.

 

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda, Prof. Salim Alio Ibro, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bah-wadaagta horumarinta si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah.

 

Waxaa kulanka ka soo qayb galay bah-wadaagta muhiimka ah ee taageera barnaamijka, oo ay ka mid yihiin Mudane Ali Qureshi, Task Team Leader ee Bangiga Adduunka (World Bank), wakiillo ka socday Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), iyo Marwo Fardosa Ahmed, Maareeyaha Mashruuca BOOST YOU Baxnaano.

 

Marwo Fardosa Ahmed ayaa iftiimisay muhiimadda uu mashruuca BOOST YOU Baxnaano u leeyahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in barnaamijkani uu door weyn ka qaadanayo horumarinta nidaamka ilaalinta bulshada, taageeridda qoysaska nugul, iyo yareynta saboolnimada.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mohamed Saney Dalmar, ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay mudadii uu barnaamijku socday, isagoo caddeeyay in Wasaaraddu ay sii xoojin doonto dadaallada socda si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah.

 

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Suhayb Dek Mahamoud, iyo lataliyeyaal sare oo Wasaaradda ka tirsan ayaa soo bandhigay aragtiyo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo xallin lahaa caqabadaha jira.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo barnaamijka Baxnaano, si loo hubiyo in taageerada la gaarsiiyo bulshada nugul ee Soomaaliyeed ay noqoto mid waxtar leh, joogto ah, isla markaana horseedda horumar bulsho iyo dhaqaale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 4 = 6
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top