Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Kozuva Group of Companies & shirkadda FAVORI oo maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Kozuva Group of Companies, oo ay ka mid tahay shirkadda FAVORI oo maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Mustaf Durgut, Country Director, iyo Murat Destek, General Manager, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Lataliyaha Wasiirka.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga shaqo, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo horumarinta jawi shaqo oo nabdoon, ammaan ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka. Wasiirka ayaa adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso shirkadaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya si loo helo xalal waara oo ku saleysan wada-faham, wadashaqeyn iyo kalsooni.

 

Sidoo kale, intii uu kulanku socday waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimo shaqo oo dhawaan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo la isku raacay tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo hirgelinta buuxda ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed (Xeer Lr. 36), kor u qaadista wacyigelinta shaqaalaha, iyo xoojinta doorka Wasaaradda ee xalinta khilaafaadka shaqo.

 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfahan iyo wadashaqeyn leh, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaan wadajir ah oo lagu horumarinayo xiriir shaqo oo caddaalad ku dhisan, kana tarjumaya danaha qaranka iyo kuwa shaqaalaha Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

20 ÷ = 2
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top