Ministry of labour and social affairs

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Aamino, oo xilka u kala wareejisay Agaasime Waaxeedyo.

Wasiir Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xil. Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta xilka u kala wareejisay Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha, Mudane Faarax Xaaji Ibraahim, iyo Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Ajaanibta, Mudane Khadar Maxamed Yuusuf. Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ku-simaha Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada, howlwadeennada Wasaaradda, iyo mas’uuliyiin kale. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay xilalkani u leeyihiin horumarinta howlaha Wasaaradda iyo xoojinta adeegyada loo hayo bulshada Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Wasiir Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Wasiirka, Xil. Aamina Xuseen Cali, ayaa hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah u jeedisay Agaasimayaasha la magacaabay, iyadoo ku bogaadisay waxqabadkoodii hore isla markaana ku boorrisay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan, daacadnimo leh, una adeegaan danaha qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

8 × = 48
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top