Ministry of labour and social affairs

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Bilowday Olole Nadaafadeed

Muqdisho, 2 Juun 2026:
Wasiir Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil. Aamina Xuseen Cali, ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay maanta si rasmi ah u bilowday olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda iyo nadaafadda xarunta Wasaaradda.
 
Ololahan is-xilqaanka ah ayaa waxaa fulinaya shaqaalaha Wasaaradda, iyadoo ay si firfircoon uga qayb qaadanayaan Ku-simaha Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha, la-taliyayaasha iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda.
 
Wasiir Aamina Xuseen Cali ayaa bogaadisay dadaalka shaqaalaha Wasaaradda ee ku aaddan ilaalinta nadaafadda iyo deegaanka shaqada, iyadoo xustay in nadaafaddu ay door muhiim ah ka qaadato caafimaadka bulshada iyo kor u qaadidda tayada goobaha shaqada.
 
Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha Wasaaradda dadaalkooda iyo ka qayb qaadashadooda ololahan. Nadaafaddu waa masuuliyad wadajir ah, waxayna ka hortagtaa cudurro badan oo halis ku ah caafimaadka bulshada,” ayay tiri Wasiir Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Wasiirka.
 
Waxay sidoo kale tilmaantay in ololahan nadaafadeed laga hirgelin doono dhammaan qaybaha iyo waaxyaha Wasaaradda, si loo xaqiijiyo jawi shaqo oo nadiif ah, caafimaad leh, isla markaana dhiirrigeliya wax-soo-saarka shaqaalaha.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

16 ÷ = 16
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top