Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Salim Alio Ibro oo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 114-aad Hay’adda Shaqada Adduunka (International Labour Conference – ILC 2026).Geneva).

Geneva, 1 June 2026 – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 114-aad ee Hay’adda Shaqada Adduunka (International Labour Conference – ILC 2026) oo ka dhacaya xarunta Palais des Nations (Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva).
 
Wasiirka ayaa hoggaaminaya wafdi saddex geesood ah oo ka socda Soomaaliya, kana kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU, iyo wakiillo ka socda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kuwaas oo si wadajir ah uga qeyb galaya doodaha iyo kulamada shirweynaha.
 
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay International Labour Organization (ILO) ayaa maanta si rasmi ah u furmay, waxaana uu socon doonaa muddo laba toddobaad ah, iyadoo lagu falanqeyn doono arrimo muhiim u ah shaqada kuwaasoo quseeya shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo dowladaha xubnaha ka ah ILO.
 
Shirweynaha ayaa isu keenaya wufuud ka badan 5000 oo ergo oo ka kala socota daafaha dunida si ay uga wada hadlaan horumarinta shaqooyinka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo xoojinta caddaaladda bulshada.
———DHAMAAD———

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

48 − = 38
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top