Muqdisho, Soomaaliya – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marwo Amina Hussein Ali, ayaa maalmahan waday kulamo iyo kormeerro shaqo oo ay la yeelaneysay waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, si loo dardargeliyo howlaha shaqo loona xoojiyo hufnaanta adeegyada ay Wasaaraddu bulshada u hayso.
Kulamadan iyo kormeerrada ayaa diiradda lagu saaray dabagalka howlaha socda, qiimeynta waxqabadka waaxyaha, iyo dedejinta hirgelinta qorshayaasha muhiimka ah ee Wasaaradda, iyadoo mudnaanta la siinayo tayeynta adeegyada iyo kor u qaadista wada-shaqeynta gudaha Wasaaradda.
Waxaa sidoo kale kulamada goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mohamed Saney Dalmar, iyo Lataliyaha Sare ee Wasaaradda, Marwo Mina Hassan Mohamed (Mina Shibis), kuwaas oo qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo habsami u socodka shaqada iyo horumarinta howlaha Wasaaradda.