Ministry of labour and social affairs

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kormeertay dhismaha African village ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil. Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta Kormeer howleed ku tagtay African Village, ka dib markii ay kulamo gaar ah la yeelatay guddi ay iska soo xuleen shacabka daggan dhismaha African Village.
 
dhismaha African Village oo caan ka ah Magaaladda Muqdisho, ayaa la dhisay sanadka marka uu ahaa 1974tii degmada Hodan, waxaana loogu magac daray African Village.
Wasiir ku xigeenka Xil. Amina Xuseen Cali, waxaa la socday wafdi ballaaran oo ka kooban Agaasimayaal iyo shaqaale ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
 
Guddigii casuumay Wasiir ku xigeenka si uu u kormeerto Deegaanka African Village ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga wada hadlo xaaladda hadda ka jirta dhismaha, waxayna si guud u soo bandhigeen guud ahaan Deegaanka African Village.
 
Kormeerka Wasiir Ku-xigeenka, Xil. Aamina Xuseen Cali, oo booqatay ku bixiyay African Village, waxay qayb ka ahayd taxane qoraal ah ay soo saartay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Goobaha ay soo kormeetay Wasiirada waxaa ka mid ahay qeybta deegaanka, qeybo ganacsi iyo waxbarasho isugu jira oo ay kusoo kordhiyeen dadka deegaanka.
Wasiir ku xigeenka ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay booqashadeeda, waxayna u mahadcelisay guddiga ay soo xuleen dadka deggan African Village

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

− 1 = 1
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top