Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Hay’adda Cuntada Aduunka (WFP), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, isku-duwidda qorsheynta wadajirka ah, iyo dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee ay labada dhinac wadaagaan.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca ilaalinta bulshada, horumarinta iskaashi istaraatiiji ah oo muddo dheer ah, iyo diyaarinta qaab-dhismeed wadajir ah oo waafaqsan mudnaanta qaranka Soomaaliya, himilooyinka istaraatiijiga ah ee Wasaaradda, iyo Qorshaha Istaraatiijiga ah ee WFP ee dalka.
Ugu danbayn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay WFP wada-shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay ka geysaneyso horumarinta nidaamyada ilaalinta bulshada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sii xoojinta iskaashiyada wax ku oolka ah ee horseedaya horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo gaara dhammaan bulshada.
— Dhammaad —
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Unuga Isgaarsiinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Website: www.molsa.gov.so