Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Saney Dalmar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, isku-duwidda qorsheynta wadajirka ah, iyo horumarinta barnaamijyada ilaalinta bulshada iyo hab-nololeedka.
Intii uu kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa isku-duwidda joogtada ah iyo qorsheynta wadajirka ah si loo kordhiyo saameynta barnaamijyada bulshada iyo horumarinta nolol-maalmeedka, sidii si wadajir ah loogu abaabuli lahaa khayraad iyo maalgelin dheeraad ah oo lagu taageerayo ilaalinta bulshada (Social Protection) iyo horumarinta hab-nololeedka bulshada, iyo sidoo kale tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dhisi karo iskaashi waara oo muddo dheer miro dhal u noqda shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbayn, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay FAO taageerada joogtada ah, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeyntan si loo gaaro horumar waara.
— Dhammaad —
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Unuga Isgaarsiinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Website: www.molsa.gov.so