Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Salim Alio Ibro, oo ka qayb galay munaasabadda World Youth Skills Day 2026,

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda World Youth Skills Day 2026, oo ay soo qabanqaabisay Horyaal Forum, laguna xusay muhiimadda horumarinta xirfadaha dhalinyarada, kobcinta shaqo-abuurka iyo dardargelinta horumarka dhaqaale ee dalka.
 
Munaasabadda ayaa isugu keentay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, bah-wadaagta horumarinta, xarumaha waxbarashada iyo tababarrada farsamada, ganacsatada iyo dhalinyaro badan. Intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay doorka ay xirfaduhu ku leeyihiin diyaarinta dhalinyarada si ay ugu tartamaan suuqa shaqada, kobcinta hal-abuurka iyo taageeridda horumarka waara.
 
Wasiirka ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xirfadaha dhalinyarada, isagoo xusay in maalgashiga aqoonta iyo tababarrada farsamada ay yihiin saldhigga lagu abuuri karo shaqooyin hufan, laguna xoojin karo koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha horumarinta, xarumaha waxbarashada iyo loo-shaqeeyayaasha si loo helo dhalinyaro leh xirfado waafaqsan baahida suuqa shaqada.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta siyaasadaha iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo waxbarashada farsamada iyo tababarrada xirfadeed, si loo abuuro fursado shaqo oo waara loona xoojiyo awoodda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

25 + = 34
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top