Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Saney Dalmar oo kulan muhiim ah la qaatay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Saney Dalmar ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee ay labada dhinac wadaagaan.
 
Intii uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay mashruuca Social Protection Project, iyadoo la falanqeeyay horumarka laga gaaray Digital Architecture (DA) iyo waddada loo marayo iswaafajinta nidaamyada dowladda (interoperability). Sidoo kale, waxaa laga war bixiyay mashruuca Better Regional Migration Management (BRMM) iyo doorkiisa ku aaddan horumarinta maamulka socdaalka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta, iyo xoojinta iskaashiga gobolka Bariga iyo Geeska Afrika.
 
Ugu danbayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa uga mahadceliyay IOM wada-shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay ka geysaneyso horumarinta nidaamyada ilaalinta bulshada, maamulka socdaalka, iyo dhismaha hay’ado awood leh oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sii xoojinta iskaashiyada wax ku oolka ah ee horseedaya horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo gaara dhammaan bulshada.
 
— Dhammaad —
 
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Unuga Isgaarsiinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
📍 Muqdisho, Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

84 − = 82
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top