Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo  si rasmi ah u daahfuray Shirka Wadatashiga Qorshaha Guud ee Qaranka ee Waxbarashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha Shaqada (TVET Master Plan Consultation Meeting)

 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Saney Dalmar, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirka Wadatashiga Qorshaha Guud ee Qaranka ee Waxbarashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha Shaqada (TVET Master Plan Consultation Meeting), oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa isu keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee dowladda, hay’adaha waxbarashada, bah-wadaagta horumarinta iyo qaybaha kale ee ay khusayso horumarinta waxbarashada farsamada iyo tababarka xirfadaha shaqada, si loo uruuriyo talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo lagu dhisayo Qorshaha Guud ee Qaranka ee TVET.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa ka go’an horumarinta nidaam tayo leh oo waxbarashada farsamada iyo tababarka xirfadaha shaqada ah, kaas oo kobcinaya xirfadaha bulshada Soomaaliyeed, xoojinaya shaqo-abuurka, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha suuqa shaqada ee dalka.
 
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
📍 Muqdisho, Soomaaliya
 
 
 
 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 78 = 79
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top