Ministry of labour and social affairs

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daahfurtay aqoon-is-weydaarsi soconaya muddo laba maalmood ah oo ku saabsan Barnaamijka (Productive Social Safety Net Programmer (PSSNP).

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay aqoon-is-weydaarsi soconaya muddo laba maalmood ah oo ku saabsan Barnaamijka Productive Social Safety Net Programme (PSSNP).
 
Aqoon-is-weydaarsigan waxaa ka qeyb galaya xubnaha koox howleedka Farsamo (Technical Task Force) ee ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, wakiillo ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
 
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa:
Dib-u-eegista iyo dhamaystirka Terms of Reference (ToR-ka) ee Guddiga Farsamada ama koox howleedka;
Dhismaha iyo dejinta qaab-dhismeedka hagaya hirgelinta PSSNP;
Xoojinta isku-xirka hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha kala duwan ee ka shaqeeya ilaalinta bulshada.
 
Munaasabadda furitaanka waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, isagoo adkeeyay muhiimadda uu kulankani u leeyahay horumarinta iyo xoojinta nidaamka ilaalinta bulshada ee Soomaaliya.
 
Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in iskaashiga hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan ururada bulshada qeybaheeda kale muhiim u yahay dhismaha nidaam bulsho oo waara, kaas oo awood u siinaya in la taageero dadka nugul, la yareeyo saboolnimada, lana xoojiyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.
 
Barnaamijka PSSNP waa mid ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka daryeelka bulshada ee Soomaaliya, isagoo diiradda saaraya taageerada qoysaska nugul, kobcinta adkeysiga ka dhanka ah dhibaatooyinka, iyo horumarinta fursadaha nololeed ee waara.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay sii wadi doontaa hoggaaminta dadaallada lagu dhisayo nidaam daryeel bulsho oo qaran, isku dhafan, isla markaana waafaqsan baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
 
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya
📍 Muqdisho, Soomaaliya
 
 
 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

44 + = 50
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top