Ministry of labour and social affairs

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Aamino Xuseen Cali oo soo gabagabeeyey tababar la xiriira OSH oo socday muddo saddex maalmood.

Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu soo gabagabeeyey tababar socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay qiimeynta, aqoonsiga iyo xakameynta khataraha ka dhaca goobaha shaqada, si loo xoojiyo badqabka iyo caafimaadka shaqaalaha.
 
Tababarkan waxaa soo agaasintay Waaxda Badqabka iyo Caafimaadka Goobta Shaqada (OSH) ee Wasaaradda, waxaana ka faa’iideystay qaybo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo loo diyaariyey inay aqoonta iyo xirfadaha ay ka heleen tababarka uga faa’iideystaan horumarinta badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada iyo tayeynta hawlaha la xiriira OSH.
 
Intii uu tababarku socday, ka-qaybgalayaasha waxaa lagu baray hababka loo maro aqoonsiga khataraha, qiimeynta heerka khatarta iyo qaadista tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xakameynayo khataraha, si loo abuuro goobo shaqo oo ammaan ah oo caafimaad qaba.
 
Xafladdii xiritaanka tababarka waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Badqabka iyo Caafimaadka Goobta Shaqada, Mudane Axmed Sahal Cabdi, isagoo tilmaamay muhiimadda tababarkani u leeyahay shaqaalaha iyo horumarinta hawlaha Waaxda.
 
Agaasimaha ayaa sidoo kale ku booriyey dhammaan dhinacyada ay khusayso, oo ay ka mid yihiin Dowladda, shaqaalaha Soomaaliyeed iyo loo-shaqeeyayaasha, inay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo iskaashiga lagu horumarinayo ka-hortagga khataraha ka dhasha goobaha shaqada.
 
Ugu dambayn, tababarka waxaa si rasmi ah u soo xirtay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Aamino Xuseen Cali, iyadoo u mahadcelisay tababarayaasha, gaar ahaan Ustaad Maxamed Tumey, maamulka Waaxda Badqabka iyo Caafimaadka Goobta Shaqada iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha dadaalka ay geliyeen qabsoomidda tababarkan.
 
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku boorrisay shaqaalaha Wasaaradda inay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarada iyo fursadaha lagu horumarinayo aqoontooda iyo xirfadahooda, si aqoonta ay helaan ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaheeda, iyadoo xoogga saareysa badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada iyo tayeynta adeegyada ay u fidiso bulshada Soomaaliyeed.
 
⸻ Dhammaad———
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 38 = 48
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top