Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, xilka kala wareegay Agaasimihii hore, Mudane Maxamed Saney Dalmar, kaddib muddo kooban oo uu xilka hayay.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Salim Alio Ibro, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimeyaasha Waaxyaha, La-taliyeyaasha Wasaaradda iyo marti-sharaf kale oo ka socday hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa ugu hambalyeeyay Agaasimaha Guud ee cusub xilka loo igmaday, isagoo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka ka saaran hoggaaminta iyo maamulka Wasaaradda, xoojiyo wada-shaqeynta waaxyaha, isla markaana uu sii ambaqaado qorshayaasha iyo howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda.
Agaasimaha cusub, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo hoggaanka Wasaaradda kalsoonida loo muujiyay, isagoo ballanqaaday inuu si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh uga shaqeyn doono gudashada waajibaadka loo igmaday iyo horumarinta howlaha Wasaaradda.
Dhankiisa, Agaasimihii hore, Mudane Maxamed Saney Dalmar, ayaa xilka ku wareejiyay Agaasimaha cusub, isagoo u rajeeyay guul iyo in uu si wanaagsan u guto mas’uuliyadda loo igmaday.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan u rajaynaysaa guul iyo in uu si hufan u guto waajibaadka culus ee loo igmaday, iyadoo uga mahadcelinaysa Mudane Maxamed Saney Dalmar muddadii uu xilka hayay iyo shaqadii uu u qabtay Wasaaradda.
⸻ Dhammaad ⸻