Ministry of labour and social affairs

SHIRWEYNAHA URURRADA SHAQAALAHA EE DALALKA GEESKA AFRIKA OO MUQDISHO KA FURMAY

 
 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Ururrada Shaqaalaha ee Dalalka Geeska Afrika, oo ay martigelinayso Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU).
 
Shirweynaha oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika, Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo masuuliyiin sare oo ka socda IGAD iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO). Kulanka ayaa lagu taageerayaa iskaashiga ILO, iyadoo maalgelinta uu bixinayo Midowga Yurub (EU).
 
Wasiir Prof. Salim Alio Ibro, oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-hadalka bulshada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, horumarinta shaqooyinka habboon iyo iskaashiga Dowladda iyo ururrada shaqaalaha.
 
Dhankiisa, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in is-dhexgalka dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka uu horseedi karo fursado cusub oo shaqo iyo koboc dhaqaale. Wuxuu xusay in iyadoo Soomaaliya ay sii ballaarinayso ka qaybgalkeeda ganacsiga gobolka iyo qaaradda, ay muhiim tahay in shaqaaluhu ay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadahaas, iyadoo la dhowrayo xuquuqdooda.
 
Mr. Khumbula Ndaba, Agaasimaha ILO ee Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ahna Wakiilka Gaarka ah ee ILO u qaabilsan Midowga Afrika, IGAD iyo UNECA, ayaa isna xoogga saaray muhiimadda shaqooyinka habboon, isu-socodka shaqaalaha, wada-hadalka bulshada iyo iskaashiga gobolka.
Isagoo ku hadlaya magaca Xoghayaha Fulinta IGAD, Agaasimaha Caafimaadka iyo Horumarinta Bulshada ee IGAD, Danjire Moussa Ali Meigague, ayaa muujiyay sida ay IGAD uga go’an tahay inay la shaqeyso HACTU, oo ah ururka shaqaalaha ee heer gobol ee la aqoonsan yahay, si loo horumariyo siyaasadaha shaqada, shaqaaleysiinta iyo arrimaha bulshada ee Geeska Afrika.
 
Madaxweynaha HACTU, Dr. Sirralkhatim Mohamed, iyo Xoghayaha Guud, Kassahun Follo, ayaa soo bandhigay mudnaanta iyo qorshayaasha muhiimka ah ee dhaqdhaqaaqa ururrada shaqaalaha ee gobolka.
 
Xoghayaha Guud ee FESTU, Omar Faruk Osman, ayaa soo dhaweeyay ergooyinka ka qaybgalaya shirweynaha, isagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo iskaashiga ururrada shaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika.
 
Inta uu shirweynuhu socdo, ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ururrada shaqaalaha, kor loogu qaadi lahaa nabadda iyo xasilloonida gobolka, loona dhisi lahaa cod mideysan oo shaqaalaha ku metela arrimaha shaqada iyo horumarka.
 
Ajandaha shirweynaha waxaa sidoo kale ka mid ah isu-socodka xorta ah ee dadka, isu-socodka shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta ah, transhumance-ka iyo ganacsiga gobolka.
 
Shirweynahan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta iskaashiga ururrada shaqaalaha ee Geeska Afrika iyo sidii shaqaaluhu ay door muuqda uga qaadan lahaayeen geeddi-socodka is-dhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee gobolka.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka bulshada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, horumarinta shaqooyinka habboon iyo iskaashiga gobolka.
 
 
 
⸻ Dhammaad ⸻
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

84 ÷ = 14
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top