Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay wadatashi qaran oo ku aaddan Siyaasadda Qaran ee La-dagaallanka Ku Shaqeysiga Caruurta iyo Qorshe-hawleedka Qaran ee Ciribtirka Ku Shaqeysiga Caruurta.
Kulanka oo soconaya muddo laba maalmood ah laguna qabanayo Airport Hotel, waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan.
Wadatashigan ayaa looga gol leeyahay in dhinacyada ay khusayso ay ka doodaan talona ka dhiibtaan Siyaasadda Qaran ee la doonayo in la ansixiyo si Soomaaliya ay u yeelato hannaan cad oo lagula dagaallamo laguna ciribtiro Ku Shaqeysiga Caruurta, gaar ahaan noocyada ugu xun ee Ku Shaqeysiga Caruurta.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay oo ka hadlay Saddexda wada-hawlgalayaal ee shaqada, oo kala ah Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo matalaya shaqaale-weynaha, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matalaysa loo-shaqeeyayaasha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo matalaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna weheliyaan Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO) oo maalgelisay wadatashiga.
Inta uu socdo wadatashiga, ka qaybgalayaashu waxay si faahfaahsan uga doodayaan xaaladda Ku Shaqeysiga Caruurta ee Soomaaliya, tallaabooyinka looga hortagi karo, mas’uuliyadda hay’adaha kala duwan, qaab-dhismeedka hirgelinta siyaasadda, maalgelinta iyo hababka dabagalka iyo qiimeynta.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlayaa Qorshe-hawleedka Qaran 2026–2030 ee Ciribtirka Ku Shaqeysiga Caruurta, iyadoo xoogga la saarayo ujeeddooyinka iyo mabaadi’da hagaya, istaraatiijiyadda hirgelinta, wacyigelinta bulshada, isgaarsiinta iyo sidii loo xaqiijin lahaa in hay’adaha dowladda, ururrada shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada ay si wadajir ah uga shaqeeyaan joojinta Ku Shaqeysiga Caruurta.
Siyaasaddan ayaa muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso ilaalinta xuquuqda caruurta iyo fulinta waajibaadka ka saaran heer qaran iyo heer caalami, gaar ahaan Heshiiska Caalamiga ah ee Shaqada ee ILO Convention No. 182 ee Mamnuucidda iyo Ciribtirka Noocyada ugu Xun ee Ku Shaqeysiga Caruurta, kaas oo Soomaaliya ay saxiixday 20 Maarso 2014.
Wadatashigu wuxuu fursad siinayaa Dowladda, ururrada shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo dhinacyada kale ee ay khusayso inay aragtidooda iyo talooyinkooda ku biiriyaan Siyaasadda Qaran ka hor inta aan la ansixin lana bilaabin hirgelinteeda.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa muhiimad gaar ah siinaysa wadatashigan si loo helo Siyaasad Qaran oo wax-ku-ool ah oo ay dhinacyada ay khusayso ku mideysan yihiin, taas oo horseedaysa tallaabooyin dhab ah oo lagu joojinayo Ku Shaqeysiga Caruurta laguna ilaalinayo xuquuqda, badbaadada iyo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed.
⸻ Dhammaad ⸻
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya