Ministry of labour and social affairs

WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO QABATAY XAFALAD LAGU XUSAY MAWLIDKA NABI MUXAMMAD ﷺ

 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Wasaaradda ku qabatay munaasabad lagu xusayay Mawliidka Nabi Muxammad ﷺ, taas oo ay ka soo qayb galeen culimo Soomaaliyeed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda.
 
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray barashada Siirada, hanuunka iyo akhlaaqda suubban ee Nabi Muxammad ﷺ, iyadoo culimadii ka soo qayb gashay ay jeediyeen muxaadarooyin iyo dardaaranno ku saabsan nolosha Rasuulka ﷺ, naxariistiisa, caddaaladdiisa, dulqaadkiisa iyo hab-dhaqankiisa wanaagsan.
 
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda ayaa munaasabadda ka jeedisay hadal ay ku muujisay muhiimadda ay leedahay barashada Siirada Rasuulka ﷺ iyo ku dayashada akhlaaqdiisa suubban, iyadoo tilmaantay in qiyamka wanaagsan ee uu Nebigeennu ﷺ ina baray lagu dabaqi karo adeegga bulshada, maamulka iyo waajibaadka loo hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
 
Sidoo kale, maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa si wadajir ah uga qayb qaatay munaasabadda, iyagoo fursad u helay inay dhagaystaan muxaadarooyinka iyo dardaarannada culimada, kana faa’iidaystaan casharrada ku saabsan Siirada iyo akhlaaqda Nabi Muxammad ﷺ.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay u mahadcelinaysaa culimada Soomaaliyeed ee sharafta leh, Wasiir Ku-xigeenka, maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda ee ka qayb qaatay munaasabaddan qiimaha leh.
ﷺ Nabadgelyo iyo naxariis Eebbe ha ahaato
 
 
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 + 1 =
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top