Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la Kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdilahi Hassan Adan , ayaa kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Almowallad, kaddib markii uu Wasiirku booqday Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Muqdisho.
Kulanka ayaa looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada shaqo-abuurka, horumarinta shaqada, kobcinta xirfadaha iyo abuurista fursado shaqo oo tayo leh, gaar ahaan kuwa loogu talagalay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo suuqa shaqada, kor loogu qaadayo xirfadaha iyo aqoonta dhalinyarada, lana abuuro fursado shaqo oo waara, si dhalinyarada Soomaaliyeed ay uga qeybqaataan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada shaqada iyo horumarinta fursadaha dhaqaale ee bulshada.
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya