Ministry of labour and social affairs

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ka Furtay Aqoon-is-weydaarsi Lagu Qiimaynayo Baahiyaha Xirfadeed ee Qaybaha Dhismaha Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Xirfadaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Salaaxudiin Daahir, ayaa si rasmi ah u furay kulan wadatashi ah oo dib loogu eegayo laguna ansixinayo warbixinta hordhaca ah ee daraasad lagu qiimaynayo baahiyaha xirfadeed iyo farqiga u dhexeeya xirfadaha jira iyo kuwa looga baahan yahay qaybaha dhismaha Soomaaliya.
 
Aqoon-is-weydaarsigan oo soconaya 2 maalmood, waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo taageero ka helysa Ururka Shaqada Adduunka (ILO), iyada oo loo marayo Mashruuca Maareynta Socdaalka ee Gobolka (BRMM). Kulanka waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka socda hay’adaha dowladda, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
shirkadaha dhismaha, ururrada shaqaalaha, xarumaha bixiya tababarada xirfadaha shaqada iyo daneeyayaasha kale ee ay khusayso horumarinta xirfadaha.
 
Daraasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu ogaado xirfadaha ay baahida u qabaan shirkadaha dhismaha, farqiga u dhexeeya xirfadaha ay shaqaaluhu leeyihiin iyo kuwa uu suuqa shaqadu u baahan yahay, iyo fursadaha lagu horumarin karo tayada tababarrada xirfadeed. Natiijooyinka daraasadda ayaa sidoo kale saldhig u noqon doona diyaarinta iyo horumarinta manhajyada tababarka xirfadaha dhismaha, dejinta halbeegyada xirfadeed, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya xarumaha bixiya tababarrada xirfadaha shaqada iyo shirkadaha dhismaha.
 
Isagoo ka hadlayay furitaanka aqoon-is-weydaarsiga, Agaasime Salaaxudiin Daahir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in tababarrada farsamada iyo xirfadaha la waafajiyo baahiyaha dhabta ah ee suuqa shaqada, si dhallinyarada Soomaaliyeed loo siiyo aqoon iyo xirfado tayo leh oo u sahla inay helaan fursado shaqo oo wanaagsan.
 
Inta uu socdo aqoon-is-weydaarsigu, ka qaybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodi doonaan habraaca daraasadda, qaababka xog-ururinta, xirfadaha mudnaanta la siinayo iyo doorka hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in daraasaddu soo saarto xog sugan iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo xirfadaha shaqaalaha waaxda dhismaha..
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay hoggaaminta iyo isku-dubbaridka horumarinta xirfadaha shaqaalaha, tayeynta nidaamka Waxbarashada Farsamada iyo Tababarada Xirfadaha ee dalka, iyo xoojinta wada-shaqaynta shirkadaha gaarka looleeyahay iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo helo shaqaale Soomaaliyeed oo leh xirfado tayo sare leh, awoodna u leh inay daboolaan baahiyaha suuqa shaqada, loona abuuro fursado shaqo oo waara.
 
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

40 ÷ = 4
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top