Ministry of labour and social affairs

WASIIRKA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO SI RASMI AH U FURAY SHIRKA ISKAASHIGA DOWLADDA IYO GANACSIGA GAARKA AH EE HORUMARINTA ADEEGYADA BULSHADA

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa si rasmi ah u furay shirka wadatashiga Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (Public-Private Partnership Dialogue on Strengthening Social Service Delivery in Somalia), kaas oo bishan November 2026 ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
 
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka ah si loo horumariyo adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada aasaasiga ah, waxbarashada farsamada iyo xirfadaha (TVET), iyo tacliinta sare.
 
Wadatashigan ayaa muhiim u ah kobcinta doorka ganacsiga gaarka ah, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo qaybaha kale ee bulshada, iyo horumarinta adeegyo bulsho oo tayo leh, waara, isla markaana gaara bulshada Soomaaliyeed.
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay muhiimad gaar ah siinaysaa iskaashiga daneeyayaasha kala duwan si loo xoojiyo adeegyada bulshada loona taageero horumarka bulshada Soomaaliyeed.
 
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

7 × = 49
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top