Ministry of labour and social affairs

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo Ururka Shaqada Jaamacadda Carabta oo xoojinaya wada shaqeynta .

Qaahira, September, 19, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta (ALO), Mudane Fayez Almutairi.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta doorka ururka ee Soomaaliya , gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada .

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xil. Biixi Iimaan Cige , ayaa sheegay iskaashiga ururka Shaqada ee Jaamacadda Carabta inuu door ka qaadan karo dadaallada Soomaaliya ee Shaqo Abuurka, xirfadaha iyo horumarinta Shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta (ALO), Mudane Fayez Almutairi , wuxuu dhankiisa muujiyay sida uu ururka u doonayo horumarinta xiriirka Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada gaarka ah ee Wasiir Biixi , uu la qaadanayo wasiirrada iyo wakiillada ururrada Jaamacadda Carabta ee ka qeybgalaya shirka 48aad ee Shaqada waddamada Jaamacadda Carabta oo ka socda magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.
—Dhammaad—

 

Scroll to Top