Muqdisho, November, 13, 2022 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta guddoomiyay furitaanka shirka heerka farsamo ee warbixinta iyo gabagabeynta mashruuca muddada socday ee Karaan u Yeelidda (Capacity Injection Project).
Shirka ayaa warbixinno la xiriirta mashruuca CIP , ku wadaagaya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka taageerray mashruucan Dawladda.
“ Mashruucan wuxuu ka mid ahaa barnaamijyada doorka ku lahaa qorshaha horumarinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda.” ayuu yiri Wasiir Biixi oo sidoo kale Bangiga Adduunka uga mahadceliyay taageerrada Dawladda.
Ugu dambeyntii, shirkan ayaa ujeeddooyinka laga leeyahay iyo warbixinnada la wadaagayo waxaa ka mid ah sida looga faa’iideystay mashruuca iyo doorarkii uu ka qaatay dadaallada Dawladda.
—Dhammaad-

