Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yussuf Wadani ayaa maanta furay shirkii ugu dambeeya ee SNHCP Implementation Support Mission, kaas oo soconaya 17–25 November 2025.
Kulanka oo ahaa kulan muhiim u ah dhammeystirka barnaamijka SNHCP, oo lixdii sano ee la soo dhaafay door muuqda ka qaatay dhismaha nidaamka ilaalinta bulshada ee Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa u mahadceliyay dhammaan bah-wadaagta—Wasaaradda, dowlad-goboleedyada, World Bank, WFP iyo UNICEF—doorkii ay ka qaateen gaarsiinta barnaamijka heer qaran, oo ay ku jiraan dhismaha USR iyo SPDS, iyo taageeridda in ka badan 500,000 qoys.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-dhacyadii SNHCP ay cashar muhiim ah u yihiin wejiga cusub ee BOOST YOU, oo u baahan go’aan degdeg ah, wada-shaqeyn joogto ah iyo isla xisaabtan adag.