Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,oo si rasmi ah u furay Barnaamijka Qaab-dhismeedka Nidaamka Hawlgabka Shaqaalaha DFS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa maanta si rasmi ah u furay Barnaamijka Soo Bandhigidda iyo Wadatashiga Xeerarka, Habraacyada iyo Qaab-dhismeedka Nidaamka Hawlgabka Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa lagu soo bandhigay qabyo-qoraallada xeerarka, habraacyada iyo qaab-dhismeedka Nidaamka Hawlgabka, kuwaas oo muddo soo maray geeddi-socod diyaarinta iyo qiimeynta farsamo. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista (review) qabyo-qoraallada iyo ururinta talooyinka daneeyayaasha, si loo sii xoojiyo tayadooda ka hor inta aan loo gudbin heerarka ugu dambeeya ee ansixinta.

Waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, iyo hay’adaha kale ee dowladda ee ay khusayso arrintan, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday qodobbada ku jira xeerarka iyo habraacyada, isla markaana soo jeediyay talooyin lagu tayeynayo.

Mudane Maxamed Saney Dalmar ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaystirka xeerarka, habraacyada iyo qaab-dhismeedka Nidaamka Hawlgabka ay saldhig u yihiin hirgelinta Nidaamka Hawlgabka Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo hannaan hufan, daahfuran oo waara, kaas oo xaqiijinaya ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha dowladda marka ay ka fariistaan shaqada.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku dhammaystirayso qaab-dhismeedka sharci iyo maamul ee Nidaamka Hawlgabka Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hirgeliyo nidaam casri ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo halbeegyada maamulka wanaagsan.

— Dhammaad —

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

35 + = 44
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top