Munaasabad maanta ka dhacday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa xilalkii kula wareegay agaasimeyaasha cusub ee wasaaradda oo uu dhowaan magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiq Xirsi Warfa, kaddib dib-u-habeyn lagu sameeyay qaabdhismeedka wasaaradda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cadde Mukhtar ayaa kula dardaarmay agaasimayaasha cusub ee maanta xilalka la wareegay dardargalinta howlaha wasaaradda oo uu sheegay in dib u habeynta la sameeyay lagu doonayo sidii kor loogu qaadi lahaa howlaha shaqo ee wasaaradda.
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada howlo muhiim ah ayay u heysa dalka, waana muhiim in la dardargaliyo howlaha la qabanayo – agaasimeyaasha cusub waxaan u rajeyn inay ka soo dhalaalan shaqada ay qabanayaan, iyadoo wadajir loo shaqeynayo.” ayuu yiri agaasimaha guud.
Agaasime Waaxeedyada maanta xilalka la kala wareegay ayaa kala ah;
Agaasimaha cusub ee Waaxda maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdullaahi Jibriil Cali oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Waaxda, Marwo Safiya Abukar Maxamuud Karaani oo noqonaysa Agaasimaha cusub ee Waaxda Badqabka Goobta Shaqada iyo Caafimaadka.
Agaasimaha cusub ee Waaxda Tababarada iyo Farsamada Gacanta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo xilkaa kala wareegay agaasimihii hore ee Waaxda,Mudane Xasan Maxamed Guutale.
Agaasimaha cusub ee Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha, Marwo Sucaado Cabdullaahi Macallin, waxaana xilka ku wareejiyay Agaasimihii hore ee Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Ajaanibta , Mudane Cabdirisaaq Macalin Cilmi.
Marwo Sucaado , ayaa sidoo kale si rasmi ah ula soo wareegtay howlihii maamul ee xafiiska ajaanibta oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xafiiska shaqaalaha gaarka ah oo ku yaal bartamaha caasimadda Muqdisho, xafiisyadan ayaa wasaaradda uga wakiil ah diiwaangalinta ajaanibta iyo sharci siintooda,halka xafiiska shaqaalaha gaarka ah uu sidoo kale mas’uul ka yahay diiwaangalinta shaqaalaha gaarka ah iyo sharciyadooda.