Ministry of labour and social affairs

Furitaanka Fadhiga 52-aad ee Shirweynaha Dalalka Carabta ee Arrimaha Shaqada oo ka Furmay Qaahira

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carabta Masar uga furmay Fadhiga 52-aad ee Shirweynaha Dalalka Carabta ee Arrimaha Shaqada, waxaana ka qaybgalay Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro.
Shirweynaha waxaa isugu yimid dalalka Carabta, oo ay matalayaan dowladaha, loo-shaqeeyayaasha iyo ururrada shaqaalaha, si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee la xiriira shaqada, shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, ilaalinta bulshada iyo xuquuqda shaqaalaha.
 
Furitaanka Shirweynaha waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo wufuud ka kala socota dalalka Carabta, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda iskaashiga Carabta iyo horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada shaqada iyo arrimaha bulshada.
 
Sidoo kale, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa qeyb ka ahaa munaasabadda furitaanka Shirweynaha.
 
Ka qeybgalka Soomaaliya ee Shirweynahan wuxuu muujinayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad u siineyso xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka Carabta, gaar ahaan dhinacyada shaqada, shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, ilaalinta bulshada iyo xuquuqda shaqaalaha.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta arrimaha shaqada iyo bulshada, iyadoo sii wadi doonta ka qeybgalka shirarka heer gobol iyo heer caalami.

⸻ Dhammaad ⸻
Wixii Faahfaahin ah, Kala Xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 1 = 9
Powered by MathCaptcha

Scroll to Top