Ministry of labour and social affairs

Munaasabadda Xil-wareejinta Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Muqdisho, October, 27, 2024 – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil. Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee Wasaaradda , Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdislaan Cabdi Cali, Munaasabadda Xilwareejinta oo aheyd mid laba geesood ah ayaa sidoo kale xilalka loogu kala wareejiyay Wasiiru Dawlihii hore ee wasaaradda Shaqada Xil. Yuusuf Mohamed Adan iyo Wasiiru Dawlaha Cusub ee Wasaaradda Shaqada Mudane. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen. Xafladda waxaa kasoo qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, howlwadeennada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale. Agaasimaha Guud ee wasaaradda mudane Yuusuf Xassan Isaaq oo bilowga hadalka qaatay ayaa soo dhaweeyay dhamaan masuuliyiinta iyo marti sharafta kale ee ka soo qeybgashay munaasabadda xilwareejinta, wuxuna uga mahad celiyay kasoo qeyb-galka munaasabadda xilwareejinta labada Wasiir. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo goob joog ahaa munaasabadda Xil-wareejinta ayaa sheegay in Wasiirka hore ee wasaaradda Shaqada uu qabtay hawlo muhiim ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay guul weyn u tahay wasaaradda in loo soo magacaabo Shaqsi aad uga warhaaya wasaaradda isla markaana lasoo shaqeeyay Wasiirka uu xilka kala wareegay. Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim, ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr oo muhiim u ah Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay lana dhaqan geliyay sida (Sharciga Hawlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha, Siyaasadda bedqabka iyo caafimaadka goobaha Shaqada, Sharciga Shaqada Soomaaliya “Somali Labor Code” iyo Siyaasadda TVET-ka oo ay Golaha Wasiirada Dhawaan ansixin doonaan. “Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan muddadii aan joogayna la gaaray guulal wax ku ool ah sida:- Tirakoobka Shaqaalaha Kumeelgaarka ahaa iyo dhaqan gelinta System-kooda Suul-saarka” ayuu yiri Wasiirkii hore ee wasaaradda. Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim. Wasiirka xilka la wareegay , Mudane Xil. Yuusuf Maxamed Aadan ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda. “Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , inta aan joogo xafiiska waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha wasaaradda oo ay ugu horeyso Shaqo Abuurka Dhallinyarada” ayuu yiri Wasiirka cusub ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Xil. Yuusuf Maxamed Aadan. Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdislaan Cabdi Cali, ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirka Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee uu bulshada u qaaday, sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyey in wasaaradda ay dar dergeliso horayna u sii waddo hawlaha ku aaddan dib u habeynta shaqaalaha dowladda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

80 + = 89

Scroll to Top