Ministry of labour and social affairs

Shirka 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ee Mashruuca SERP oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Nairobi.

Nairobi, Febraayo 11, 2026 — Waxaa maanta magaalada Nairobi si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Shirka 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ee Mashruuca SERP (Somalia), kaas oo socday muddo saddex maalmood ah.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray Dib-u-habaynta Maareynta Adeegyada Dadweynaha (Public Sector Management Reform), horumarinta iyo mideynta Nidaamka HRMIS ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, dardargelinta hirgelinta howlaha socda, iyo dejinta qorshayaasha hawleed ee mudnaanta leh.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof Saalim Caliyow Ibrow, iyo Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowlad-Goboleedyada, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, iyo hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya Mashruuca SERP.

Gabagabadii shirka, waxaa lagu adkeeyay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, dardargelinta hirgelinta howlaha istiraatiijiga ah ee mudnaanta leh, iyo fulinta qorshayaasha hawleed ee ka soo baxay shirka, si loo xaqiijiyo adeeg dowladeed oo hufan, isla markaana tayo leh.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 + 5 =

Scroll to Top