Muqdisho, November, 3, 2022 – Wasiirka ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Cismaan Libaax Ibraahin oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka iyo gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyay socdaal ay toddobaadkii hore ku tageen Dalka Malawi.
Socdaalka ayaa ujeeddadiisu ahayd khibrad wadaag la xiriira sida dalka Malawi uu u hirgeliyo barnaamijyada Ilaalinta Bulshada , iyadoo wafdiga ay booqdeen xarumaha Dawladda, maamullada degmooyinka iyo deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada taageerrada Dalka nugul.
Deegaannada mashaariicda taageerrada Bulshada nugul ay ka socdaan oo wafdiga uu booqday , waxaa ka mid ah Machinga iyo Chikwawa, halka Blantyre iyo magaalada caasimadda ah ee Lilongwe ay kula kulmeen mas’uuliyiinta Dawladda , halkaa oo ay ku dhageysteen hannaanka ay mashaariicda ku gaaraan Bulshada nugul.
“ Waxay noo ahayd khibrad iyo waxbarasho innan dhageysanay qorshaha Dawladda Malawi ee barnaamijyada taageerraya Bulshada nugul si fakhriga looga ilaaliyo- waxaan kalo oo soo aragnay Dadka ay mashaariicdan gaareen.” Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Cismaan Libaax.
Wuxuu intaa ku daray “ Dawladda Soomaaliya hadda waxay Dalka oo dhan ka fulinaysa barnaamijyo taageerraya Bulshada nugul iyo kuwa saameynta looga ilaalinayo abaarta iyo Ayaxa Dalka ku dhuftay, waana inoo muhiim dal ina la mid ah innan aragno sida uu mashaariicda u fulinayo.”
Booqashadan khibrad wadaaga ayaa qeyb ka ah dadaallada Dawladda Soomaaliya , gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ay dooneyso inay ku horumariso barnaamijyada Ilaalinta Bulshada oo ay ka mid yahay barnaamijka Baxnaano oo dad ka badan 1 milyan oo ruux oo kuwa nugul ah muddo saddex sanno ah lacago caddaan ah bil walba siinaya iyo barnaamijka kale ee Xog-keydiyaha Bulshada (USR) oo la doonayo in dhammaan xogta Bulshada nugul lagu keydiiyo.
Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto).









