Ministry of labour and social affairs

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfurtay munaasbada xeerka shaqaalaha soomaaliyeed.

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 7-da Febraayo, 2026 si rasmi ah u daah-furtay Xeerka Shaqada Soomaaliyeed (Lr.36, 2024).

 

Munaasabadda daahfurka waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, waxaana ka soo qeyb-galay Xildhibaano, Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada.

 

Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday loo-shaqeeyayaasha, ururrada shaqaalaha, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, kuwaas oo muujiyay taageerada ay u hayaan hirgelinta Xeerka Shaqada Soomaaliyeed.

 

Intii ay socotay munaasabadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Xasan Isaaq, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka xeerka iyo doorka uu ku leeyahay nidaaminta xiriirka shaqo, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo waajibaadka loo-shaqeeyayaasha.

 

Daahfurka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed wuxuu muujinayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda nidaam shaqo oo caddaalad, hufnaan iyo sharciyeysan ku dhisan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

38 − = 28

Scroll to Top